Abiy Axmad oo loo dhaariyay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya

0
358

Waxaa markale xilka ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya loo dhaariyay Abiy Axmad.
Waxaa dhaarintiisa ka dib, lagu wadaa inuu soo dhiso gole wasiiro oo cusub.
Doorashadii dhacday bishii Lixaad ee sanadkan ayaa ahayd mid ay qaadaceen mucaaradka dalka Itoobiya.
Xisbiga Barwaaqo ee ra’iisal wasaare Abiy Axmad, ayaa ku guuleystay aqlabiyadda doorashada baarlamaanka ee dalkaasi, taasoo u gogol xaartey in dib loo doorto.
Golaha wasiirrada uu soo dhisi doono ayaa la rajeynayaa inay ka turjumi doonto halka ay dowladda cusub ka istaagi doonto dagaalka ka socda gobolka waqooyi eeTigray.
Waxaa sidoo kale la filayaa in xubnaha qaar ee mucaaradka, inay qayb ka noqdaan xilalka golaha wasiirrada ee cusub.