Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka ku yaalla guud ahaa dalka Brazil, iyagoo ku baaqayay in xilka laga qaado madaxweynaha wadankaasi Jair Bolsonaro.
Waxaa ayaa siteen booror ay ku qoran yihiin in xilka laga qaado hoggaamiyaha.
Dibadbaxyada dalkaasi ayaa ku soo aadaya iyada oo ay sii xumaanayso xaaladda dhaqaale, shaqo la’aanta oo sii kordheysa, iyo gaajada ka jirta waddankaasi oo ka mid ah saameynta cudurka COVID19.
In ka badan 14 milyan oo qof oo ku nool dalka Brazil ayay soo wajahday shaqo la’aan, sida laga soo xigtay machadka juqraafiga iyo tirakoobka Brazil ee (IBGE).
Waxaa ay wararku sheegayaan in mudaaharaadyada ay soo abaabuuleen xisbiyada mucaaradka ah iyo midowga ururrada ganacsatada ah.
Dad badan oo reer Brazil ah ayaa ka xanaaqsan sida uu madaxweynuhu u maareeyay safmarka korona oo in ka badan 600,000 oo qof ay ku dhinteen.