Kenya oo la keenay tallaalka nooca Pfizer ee COVID19

0
383

Waxaa maanta dalka la soo gaarsiiyay mid ka mid ah qaybaha ugu dambeeya ee tallaalka Pfizer ee ka dhanka ah cudurka COVID19.
Qoraal ay wasaaradda caafimaadka soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in diyaaradda laga leeyahay dalka isu tagga imaaraadka carabta ee Emirates airline ay sidday daawooyinkan.
Tani ayaa tirada daawooyinka ee ay ku deeqday dowladda Maraykanka ka dhigaysa 2.2 milyan.
Shalay abaare 1:30 duhurnimo ayay ahayd markii Kenya la soo gaarsiiyay daawooyin kale oo ah nooca tallaalka ee Pfizer waxaana loo sii gudbiyay keydka xaafadda Kitengela ee ismaamulka Kajiado.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in ay daawooyin dheeraad ah sugayso maanta halka shixnadda ugu dambeysa berri la keenaya.