Ilaa 4,000 oo qof oo soo galooti ah ayaa lagu xiray galbeedka wadanka Liibiya ka dib howlgal amni oo la fuliyay.
Saraakiisha ayaa sheegaya in boqolaal haween iyo carruur ay ka mid yihiin dadka la qabtay.
Howlgallada ayaa ka dhacay magaalada Gargaresh waxayna tani qayb ka tahay bartilmaameedsiga shakhsiyaadka Liibiya ku galay sida sharci darrada ah.
Qaramada midoobay ayaa dhankeeda sheegtay in hal qof lagu dilay howlgallada amni iyadoo ugu yaraan 15 kalena la dhaawacay.