Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil oo gaaray Baxrayn

0
458

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil Yair Lapid ayaa safar ku tagay dalka Baxrayn.
Mas’uulkan ayaa noqonaya midkii ugu sarreeyay ee ka socdo Israa’iil ee tagay wadankaasi tan iyo markii sanadkii hore ay labada dhinac xiriir yeesheen.
Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa lagu sheegay in Yair Lapid uu casuumaad ka helay dhigiisa Baxrayn.
Waxaa la filayaa in wasiirradan ay saxiixdaan heshiisyo ay dani ugu wada jirto dowladahooda.
Hasa ahaate wararka ayaa sheegaya in galinkii hore ee maanta ay dibadbaxyo looga soo horjeeda socdaalka Lapid ka dhaceen magaalada Manama ee Baxrayn iyadoo baraha bulshada laga billaabo cinwaanno arrinkan ka dhan ah.