Madaxweynaha dalka Ecuador Guillermo Lasso ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo wadankaasi ka dhaqan galaysa.
Tani ayaa timid ka dib markii ilaa 116 maxaabiis ah ay ku dhinteen iskudhacyo dhex maray kooxo iska soo horjeeda.
Waxaa rabshadaha ku dhaawacmay 80 qof.
Xabsiga lagu dhex dagaalamay ayaa ku yaalla magaala xeebeedka Guayaquil oo in ka badan 400 oo kiiloomitir dhanka koonfur galbeed kaga beegan caasimadda dalkaasi ee Quito.
Amarka xaaladda degdegga ah ayaa ciidamada booliska iyo militariga fursad u siinaya inay howlgallo ka fuliyaan gudaha xabsiyada.
In kastoo saraakiisha ammaanka ay sheegeen in xaaladda la dejiyay haddana madaxweyne Lasso ayaa xusay in taasi uunan damaana qaadi karin.