DHAGEYSO:Xisbiga KANU oo maanta shir ku yeelanaya Bomas

0
518

Waxaa xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ka socdo shirweynaha xisbiga KANU oo la filayo in shaaca looga qaado musharraxa madaxweynenimo ee sanadka 2022-ka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii siyaasiyiinta xisbigan ay sheegeen inay senetarka ismaamulka Baringo Gideon Moi ay u ansaxin doonaan inuu sanadka soo socdo ku matalo loolanka ku aaddan hoggaanka ugu sarreeya dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galaya siyaasiyiin uu ka mid yahay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga,dhigiisa ANC Musalia Mudavadi iyo Kalonzo Musyoka oo hoggaamiyo Wiper.
Raila oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in madaxda xisbiyada kala duwan oo isku yimaado ay tusaale wanaagsan ka bixinayso muhiimadda ay midnimadu leedahay.
Waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta oo si wanaagsan u tartamo ay xoojinayso dimuqraadiyadda dalka ka jirto.
Waxaa uu dhanka kale beeniyay in isaga , madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo Gideon Moi ay yihiin boqorro siyaasadeed.
Raila ayaa carrabka ku adkeeyay in madaxweynihii koowaad ee dalka Jomo Kenyatta , ku xigeenkiisi Jaramogi Oginga Odinga iyo Daniel Arap Moi oo wadanka hoggaaminayay muddo 24 sano ah ay saddexduba noolosha meel hoose ka soo billaabeen ka hor inta aynan heer sare gaarin sidaas awgeedna carruurtooda aan lagu tilmaami karin dhal boqortooyo.