Golaha hoggaamiyaasha ismaamullada oo ka war bixiyay COVID19

0
525

Golaha ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad deegaanada dalka ee COG ayaa sheegay in boqolkiiba 16 ee sariiraha ku jiro qaybaha daryeelka degdegga ee ICU-da ay yihiin kuwo hadda la isticmaalaya.
Guddoomiyaha golahan ahna barasaabka ismaamulka Embu ,Martin Wambora ayaa sheegay in sariiraha ICU-da ee ismaamullada ay gaarayaan 570 iyadoo keliya 87 ka mid ah la isticmaalaya.
Mr. Wambora ayaa intaa ku daray in marka la eego sariiraha yaalla goobaha gaarka ah ee lagu daweeyo bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 oo gaaraya 9,817 inta bannaan ay yihiin 8,672.
Sidoo kale tirada bukaanka ee lagu daryeelaya guriyaha ayaa ah 4,438 halka 1,297 ay weli ku jiraan isbitaallada kala duwan.
Hasa ahaate golaha barasaabyada ismaamullada ee COG ayaa sheegay inay korortay tirada bukaanka ee u baahan agabka neef caawiyaha ee oksijiinka.
Martin Wambora ayaa 20-ka dowlad deegaan ee sida wayn looga baahan yahay oksijiinka ku sheegay Kiambu, Nakuru, Nyeri, Kilifi, Uasin Gishu, Kirinyanga, Nyandarua, Makueni, Busia, Garissa, Taita Taveta Kericho, Turkana, Nandi, Lamu, Kisii, Tana River, Kwale iyo Samburu .