Guriyihii ku burburay howlgaladii Israa’iil ee Qaza oo dib loo dhisaya

0
439

Wararka naga soo gaaraya dalka Falastiin gaar ahaan marinka Qaza ayaa sheegaya in toddobaadka ugu horreeya ee bisha Tobnaad ee sanadkan la billaabi doono in dib loo dhiso guriyihii ku burburay howlgaladii militari ee ay Israa’iil halkaasi ka gaysatay bishii shanaad ee sanadkan.
Waxaa arrinkan gacan ka gaysanaysa dowladda dalka Qatar sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo Falastiin u qaabilsan adeegyada guriyeynta.
Qaramada midoobay ayaa warbixin ku sheegtay in duullaankaasi lagu dilay 260 Falastiiniyiin oo ugu yaraan 129 ay shacab ahaayeen.
Waxaa tiradan ka mid ahaa 66 carruur ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa dhankeeda bilooyin ka hor sheegtay in militariga Israa’iil uu weerarrada ku dhaawacay 1,948 qof oo 610 ka mid ah ay carruur yihiin.