DHAGEYSO:Ganacsatada Wajeer iyo saraakiisha ammaanka oo heshiiyay

0
563

Waxaa ugu dambeyn heshiis laga gaaray tabashooyin ay qabeen ganacsatada ismaamulka Wajeer saddexdii cisho ee ugu dambeeyay ka dib howlgallo ay sameyeen saraakiisha ammaanka kuwaasoo saameyn ku yeeshay howlaha ganacsiga.
Xildhibaanka laga soo doortay bariga ismaamulka Wajeer Rashiid Qaasim Aamin oo labada dhinac la yeeshay kulan ayaa ka hadlay culeyska lagu hayo dadweynaha iyo waxyaabaha la isku afgartay.

Dhanka kale mudanaha bariga Wajeer ayaa shacabka ugu baaqay inay ka hor tagaan ka ganacsiga daroogada.

Guddoomiyaha jaaliyadda ganacsatada Wajeer ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska la gaaray isagoo ku baaqay in lala shaqeeyo laamaha ammaanka.