Xisbiga KANU ayaa la filayaa inuu maalinka khamiista si rasmi ah u shaaciyo in musharraxa madaxweynenimo ee xisbigan uu yahay senatarka ismaamulka Baringo Gideon Moi.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta KANU sida senatarka galbeedka Pokot Samuel Poghisio iyo xildhibaanka Tiaty William Kamket ayaa sheegay inay qaban doonaan xaflad arrinkan ku aaddan.
Waxay sheegeen inay Gideon Moi u oggolaan doonaan inuu wada hadallo iskaashi ah la sameeyo xisbiyada iyo musharraxiinta kale ee madaxweynenimo
Moi ayaa ah musharrax madaxweyne oo ay isku gobol ka soo jeedaan madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo isna doonaya inuu siyaasad ahaan sii dallaco .