Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray waddada xiriirisa xarunta Beerta Nabadda ilaa isbitaalka Martiini oo kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee burbursan, islamarkaana uu maamulka gobolka Banaadir dhawaan ka fulin doono mashruuc dib loogu dhisayo, si isticmaalkeeda ay uga faa’ideeystaan bulshada iyo gaadiidka.
Inta uu kormeerka socday ayaa guddoomiye Cumar Filish waxa uu faray maamullada degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weyne in ay qaataan kaalintooda ku aadan fududeeynta dhismaha wadadaasi isagoo dhanka kale ka dhageestay warbixina quseeysa caqabadaha jira.
Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa horey u balan qaaday in maamulkiisa uu xoogga saari doono dhismaha waddooyinka Caasimadda si kor loogu qaado bilicda iyo fududeeynta isku socodka magaalada.
Kormeerkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan Gaadiidleeyda ay ka cabanayeen inay la’yihiin wadooyin ay maraan kadib markii roobkii da’ay ay ku burbureen.