DHAGEYSO:Musalia Mudavadi oo siyaasiyiinta baaq u diray

0
419

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Nakuru hoggaamiyaasha siyaasadeed ku boorriyay inay dadweynaha la wadagaan qorshahooda horumarineed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan loo baahneyn in shacabka lagu mashquuliyo ballanqaadyo aan wax ka beddelayn noloshooda.
Waxaa uu ku celceliyay in musharrax kasta laga doonayo inuu caddeeyo horumarka dhanka caafimaadka, dhaqaalaha , biyaha , wax soo saarka ee uu soo kordhinaya hadii la doorto.