Guddoomiyaha waaxda asluubta oo ka hadlay maxaabiis ka baxsaday xabsiga Nanyuki

0
422

Guddoomiyaha waaxda asluubta ee dalka Wycliffe Ogallo oo gaaray ismaamulka Laikipia ayaa faahfaahin ka bixiyay maxaabiis shalay ka baxsatay xabsi ku yaalla magaalada Nanyuki ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu sheegay in weli la raadinaya 6 ka mid ah 14 maxaabiis oo baxsatay balse siddeed la soo qabtay.
Mas’uulkan ayaa shakhsiyaadka ku jiro xabsiyada uga digay inay isku dayaan baxsasho maadaama taasi ay ku noqonayso dembi kale.
Waxaa uu ku boorriyay inay u hoggaansamaan sharciga oo aynan iskudayin inay ka cararaan goobaha lagu hayo.