Madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dowladaha kala duwan ugu baaqay inay barnaamijyada la xiriira dib u soo noleynta dhaqaalaha ka dib cudurka COVID19 ka qayb geliyaan shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Waxaa uu xusay in waaxyahan ay haystaan kheyraad iyo aqoon ku saabsan kobcinta dakhliga.
Mr. Kenyatta ayaa maamullada caalamka ka jiro u soo jeediyay inay adeegsadaan casharrada laga bartay maareynta cudurka oo dib u eegis lagu sameeyo qorshayaasha horumarineed iyadoo si wayn looga qayb gelinaya waaxyaha gaarka ah.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dowladda dhexe ay sare u qaaday kaalinta shirkadaha gaarka ah siiba arrimaha dhaqaalaha.
Dhanka kale Mr. Kenyatta ayaa sheegay in guud ahaan caalamka 700 milyan oo qof ay wajahayaan nafaqo darro halka afar meelood hal meel tirada dadweynaha dunida ay haysato cunno yari.