Iskuday afgembi oo ka dhacay dalka Suudaan

0
299

Warbaahinta dowladda dhexe ee Suudaan ayaa ku warrameysa in saaka uu dhacay iskuday afgembi oo aan lagu guulaysan.
Shacabka dalka Suudaan ayaa loogu baaqay inay is difaacaan oo ay ka hortagaan arrinkan.
Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Suudaan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in la qaadayo tallaabooyin looga hor tagayo afgembiga.
Waxaa sidoo kale la sheegay in inqilaabka fashilmay uu ahaa mid lagu doonayay in lagula wareego raadiyaha dowladda ee Omdurman iyo telefishinka qaran ee dalkaasi oo ku yaalla caasimadda Khartoum.
Waxaa ilaa iyo hadda aan la ogeyn cidda soo maleegtay iskudayga afgembi.
Sidoo kale lama sheegin khasaaraha ka dhashay falkan fashilmay iyo saraakiisha hoggaaminaysay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maamullada ammaanka ee dalkaasi ay xaaladda dejiyeen iyadoo su’aalo la weydiinaya eedeysanayaal la qabtay .
Afhayeen u hadlay ciidamada militariga ee Suudaan oo lagu magacaabo Maxamad Al Faki Suleiman ayaa xusay inay mar dhow bayaan soo saari doonaan.