Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in qaybteeda gaarka ah ee qaabilsan falcelinta degdegga ay xoojinayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Twitter-ka DCI ayaa muujinaya in saraakiishan ay heegan sare ku jiraan si looga hor tago fulinta qorshayaasha kooxaha gaysta falalka wax u dhimaya xasiloonida guud.
Sidoo kale waxaa qoraalka qayb ka ah in aan wax dulqaad ah loo muujin doonin dadka maalgeliyo argagixisada iyo kuwa beer jileeca u haya ee taageera.