Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu shaaciyo war lagu sheegay mid wanaagsan oo ilaa 100 bilyan oo doolar ay ku kabayaan barnaamijyada looga falceliyo saameynta isbeddelka cimillada.
Waxaa arrinkan warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan golaha guud ee qaramada midoobay oo ka qayb galay shir ay albaabadu u xirnaayeen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu maanta khudbadiisi ugu horreysay ka hor jeedin doono golaha.