Madaxweynaha dalka oo sheegay in Kenya ay horumar ku tallaabsatay

0
675

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay horumar ka gaartay dhaqangelinta hiigsiga horumarrada waara ee loo yaqaano SDGs ee ay dejisay qaramada midoobay.
Mr. Kenyatta ayaa arrinkan shaaca ka qaaday xilli uu ka qayb galay kulan muuqaal ah oo uu isugu yeeray xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Mr. Antonio Guteress.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay ka dhabeynta dhamaan qorshayaasha dhanka horumarka ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay inay diiradda saarayaan inuusan dib u dhac ku imaan hirgelinta qorshayaasha sida adeegyada guriyeynta, caafimaadka, sare u qaadidda wax soo saarka iyo la tacaalidda cunno yarida.