Australia oo gaashaanka u daruurtay inay burisay heshiiskii maraakiibta quusta biyaha ee Faransiiska

0
452

Dowlada Australia ayaa gaashaanka u daruurtay inay burisay heshiiskii maraakiibta quusta biyaha ee Faransiiska.
Waxay sheegtay inay xukuumadda Paris u muujisay walwal ay bilooyin ka qabeen heshiis cusub ee lala galay Maraykanka iyo Britain kaasoo sii huriyay Xiisadda diblomaasiyadeed.
Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa sheegay inuusan wax walwal ah ka qabin go’aanka uu danta qaranka Australia muhiimada koobaad uga dhigay.
Dowladda Australia ayaa ka baxday heshiiskii 2016-kii ay Faransiiska la gashay si ay u wada dhisaan maraakiibta gujiska ayadoo khamiistii ku dhawaaqday qorshaha lagu dhisayo ilaa siddeed ka mid ah kuwa quwadda nukliyeerka leh ee Mareykanka.
Tallaabadaan ayaa ka caraysiisay dowlada Faransiiska taasoo keentay inay dib ugu yeerato safiiradeedii Washington iyo Canberra waxayna tallaabadaan sidoo kale saamaysay dalka Shiinaha .
Ra’iisul wasaare Morrison ayaa sheegay inuu fahamsan yahay niyad jabka Faransiiska ka soo gaaray joojinta mashruucaan oo qiimihiisu ahaa 40 bilyan sanadkii 2016 laguna xisaabtamayay inuu maanta ku kici doono lacag aad u badan balse wuxuu ku celceliyay inay Australia mar kasta ay tahay inay qaadato go’aamada ay danta ugu fiican ugu jirto.