Senatarka ismaamulka Bungoma ahna madaxa xisbiga Ford-Kenya Moses Wetangula iyo barasaabka dowlad deegaanka Makueni Prof. Kivutha Kibwana ayaa maamulka talada haya ee Jubilee ka codsaday inuu dib u eegis ku sameeyo qiimaha lagu iibinaya noocyada shidaalka.
Siyaasiyiintan ayaa sheegay in xilligan oo ay kenyaanka wajahayaan culeys dhaqaale aynan sax ahayn in la kordhiyo qiimaha shidaalka maadaama ay jiraan waxyaabo badan oo nolol ahaan ku tiirsan .
Waxay tusaale u soo qaateen wadanka Uganda oo Kenya daris la ah oo ay sheegeen in shidaalka looga iibsado qiimo aan aad u sarreyn.