Ciidamada booliska ee dalka Australia ayaa xabsiga dhigay ku dhawaad 270 qof ka dib dibadbaxyo dhacay.
235 oo dadkan ka mid ah ayaa lagu qabtay magaalada Melbourne halka 32 kale lagu xiray Sydney.
Wararka ayaa intaa ku daraya in mudaharaadyada looga soo horjeeday xayiraadaha dalkaasi ka jiro iyadoo dhowr sarkaal oo boolis ah ay ku dhaawacmeen iskudhacyo dhex maray iyaga iyo dibadbaxayaasha.
Ilaa 700 oo qof ayaa isugu soo baxay qaybo kala duwan oo ka tirsan magaalada Melbourne.
Australia ayaa tan iyo bartamihii bishii lixaad ee sanadkan la daala dhacaysay faafidda faraca caabuqa corona ee Delta waxayna xayiraado adag toddobaadyadii ugu dambeeyay ka jireen magaalooyinka Sydney Melbourne iyo Canberra.
Shalay oo ugu dambeysay waxaa gudaha dalkaasi laga diiwaangeliyay 1,882 ah xaaladaha cusub ee corona intooda badan waxaa lagu arkay Sydney.