Ururka macallimiinta ee (KUPPET) ayaa dowladda dhexe u soo jeediyay in iyadoo marxalado kala duwan loo marayo ay meesha ka saarto dugsiyada leh qaybaha jiifka ee ay ardaydu seexdaan.
Xoghayaha guud ee dalladdan Akelo Misori ayaa xusay in tani ay barayaasha ka yareynayso culeyska dhanka wax baridda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada aynan ardaydu guriyahooda uga hooyan ay shaqeyaan saacado badan marka loo barbardhigo dhiggooda xarumaha kale .
Mr. Misori wuxuu intaa ku daray in macallimiinta ay xaaladdan ku shaqeyaan iyagoo aan qaadan mushaar dheeraad ah.
Xoghayaha guud ee KUPPET waxaa uu sheegay in saameynta cudurka COVID-19 ay sii adkeysay culeyskii horay u jiray maadaama macallimiintu ay wakhti badan gelinayaan sidii ardayda ay u qaadan lahayeen casharradii qorsheysnaa intii ay goobaha tacliinta xirnaayeen.
Guddoomiyaha KUPPET Omboko Milemba ayaa dhankiisa wasaaradda waxbarashada ku eedeyay in ay maamulayaasha dugsiyada ku qasabtay inay ilaa fiidkii dugsiyada ku sugnaadaan .
Mas’uulkan ayaa xusay in macallimiinta ay ku adkaato inay xilli dambe helaan gaadiid ay guriyahooda ku tagaan taaso khatar gelin karto noloshooda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadii meesha laga saaro dugsiyada leh qaybaha jiifka uu hoos u dhacaya qarashaadka tacliinta sidaas awgeedna arday badan ay fursad u heli doonaan waxbarashada.
Mas’uuliyiinta ururka macallimiinta ee KUPPET ayaa wacad ku maray inay xubnaha dalladdan ka tirsan ka saari doonaan Laikipia hadii aynan xaaladdu soo hagaagin maalmaha nagu soo aaddan.
Mr. Omboko ayaa yiri” hadii amni darradu ay sii jirto waxaana macallimiinta xubnaha ka ah KUPPET ku amri doonaan in aynan fasallada xaadirin”.