Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay qabashada doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare,Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland.
Ka dib markii uu shirka soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay ra’iisul wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed Khadar iyo guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa isna muujiyay dareenkiisa ku aaddan kulanka maanta qabsoomay iyo heshiiska ay gaareen dhinacyadii arrintan ku kala aragti duwanaa.