Aqoonyahan soomaliyeed oo lagu magacaabo Cabdiwahab Sheikh Cabdisamad ayaa laga afduubtay gudaha caasimadda dalka ee Nairobi sida ay sheegeen qoyskiisa.
Rag ku hubaysan bastoolado ayaa la sheegay inay afduubteen Cabdiwahab Sheikh Cabdisamad sida uu warbaahinta ugu sheegay mid ka mid ah goobjooge arkayay markii la afduubnayay aqoonyahanka.
Waaxda dambi baarista ee dalka DCI-da ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto afduubka Prof Cabdiwahab Sheikh Cabdisamad.
Dhinaca kale hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Haki Africa waxay iyagana codsadeen in arrintani baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.