WHO oo sheegtay in Afrika ay helayso wax ka yar boqolkiiba 25 ee tallaalka COVID19

0
502

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in qaaradda Afrika ay heli doonto daawooyinka tallaalka oo ka yar boqolkiiba 25 marka la eego tiradii horay la rajeynayay in la soo gaarsiiyo dhammaadka sanadkan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in tirada dadweynaha ku nool dalalka Afrika ee ilaa iyo hadda si buuxda u qaatay daawooyinka ka dhanka ah cudurka ay tahay boqolkiiba 3.
Toddobaadkii ugu dambeeyay ,xarunta caalamka u qaybinaysa daawooyinka ee COVAX ayaa Afrika gaarsiisay in ka badan 5 milyan oo dawooyinka tallaalka ah.