Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa maanta oo Jimco ah soo saari doonto miisaaniyad dhan 2 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa loo qoondeeyay barnaamijyada ay dowladda dhexe kula tacaalayso abaarta saameysay qeybo ka mid ah wadanka.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii uu dhawaan madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu ku dhawaaqay in abaarta jirta ay tahay musiibo qaran.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Kenya Mr. Ukur Yatani ayaa sheegay in lacagtan lagu wareejin doono wasaaradaha qaabilsan ka falcelinta xaaladaha degdegga oo ay ka mid tahay midda dowlad wadaajinta.
Ismaamullada ay ka jiraan xaalado adag oo ka dhashay abaarta waxaa ka mid ah kuwa waqooyi bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera.