Wasiirka arrimaha gudaha oo maanta tagaya Laikipia

0
378

Waxaa la filayaa in wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiang’I uu maanta socdaal ku tago ismaamulka Laikipia oo ay saameeyeen falal amni darro.
Dr.Matiang’i waxaa uu hoggaamin doonaa mas’uuliyiinta sare ee dowladda dhexe u qaabilsan nabadgalyada.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu wasiirku sheegay inay ku dadaalayaan sidii lagu soo afjari lahaa iskudhacyada dowlad deegaankaasi ka taagan.
Safarka wasiirka ee Laikipia ayaa ku soo beegmaya iyadoo ismaamulkaasi uu ka jiro bandow u dhexeya 6-ta maqribnimo ilaa 6-da arroornimo.
Waxaa uu qorshuhu yahay in wasiirka arrimaha gudaha uu abaare 9:30 subaxnimo ee maanta shir jaraaid ku qabto degmada Ol-Moran si uu faahfaahin uga bixiyo falcelinta dowladda ee ka dhanka ah dhaca xoolaha.
Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai oo isna Laikipia gaaray ayaa dadweynaha u xaqiijiyay in muddo hal toddobaad gudaheed ah dib loogu soo celin doono nidaamkii kala dambeynta.
Dhanka kale golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee COG ayaa dowladda dhexe u soo jeediyay inay howlgeliso ciidamada difaaca si ay garab u siiyaan booliska la dagaallamaya burcadda waxyeellada gaysanaysa.