Kulamo xal loogu raadinayo khilaafka madaxda sare ee Soomaaliya oo Muqdisho ka socda

0
388

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo lagu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamad Xuseen Rooble kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ay kala aragti duwanaan ka dhex jirtay.
Howlaha dhexdhexaadinta ah ayaa waxaa wada Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed,oo shalay gaadhay Magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo kulamada Villa Soomaaliya ka socda ayaa waxaay sheegayaan in Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay min laba kulan la qaateen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan inay jiraan xoogaa isku soo dhawaansho labada masuul.
Xogaha kulamada ay warbaahintu ka heshay ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay kulamada la yimaadeen shuruudo adag oo mid kastana uu doonayo in loo fuliyo sida laga soo xigtay ilo wareedyo gudaha ku sugan.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa deganeyd xaaladda siyaasadeeed ee dalka Soomaaliya, hayeeshee waxaa weli taagan khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kuwaasoo hadda arintooda xal loo raadinayo.