Nidaamka Difaaca lidka gantaallada ee dalka Mareykanka ayaa la soo sheegayaa inuu ka hortagay gantaallo lagu tuuray gegida diyaaradaha ee magaalada Kabul caasimada wadanka Afghanistan subaxnimadii hore ee Isniinta maanta ah iyadoo Maraykanku uu diblomaasiyiintiisa muhiimka ah ka soo saarayo Afghanistan saacadihii ugu dambeeyay ee ka bixitaankiisa.
Ciidamada Mareykanka ayaa lagu wadaa inay magaalada Kabul faarijiyaan Talaadada beeri ah, ka dib markii iyaga iyo xulafadoodu billaabeen daadgureyntii ugu baladhnayd ee dhanka hawada ah taariikhda, waxaana la daad gureeyay ilaa iyo hada 114,000 oo muwaadiniintooda iyo kuwa reer Afgaanistaan isugu jiro ee 20-ka sano la shaqaynayay
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in shaqaalihii diblomaasiyadeed ee muhiimka ahaa ay ka baxeen maanta Kabul wallow aysan caddayn inay ka mid tahay ergeyga ugu sarreeya ee Marayknaka Ross Wilson, oo la filayo inay ka mid noqoto kuwa ugu dambeeya ee baxa Kabul .
Sarkaal Ameerikaan ah ayaa xaqiijiyay in ilaa shan gantaal oo lagu tuuray madaarka magaalada Kabul aysan wax khasaare ah ka dhalan waxaan mas’uuliyada weerarkaas sheegatay kooxda isugu yeedha khilaafada islaamiga kuwaasoo uu ku tilmaamay inay yihiin cadowga reer Galbeedka iyo Taalibaan ee xilligaan. Gantaalladaan ayaa waxay daba socdaan qarax ismiidaamin ah oo ay Kooxda dawladda Islaamku ku qaadeen bannaanka hore ee madaarka magaalada Kabul maalinkii khamiista, kaasoo ay ku dhinteen tiro badan oo reer Afghanistan iyo saraakiil Maraykan ah.
Maalmihii la soo dhaafay xukuumadda Washington waxay ka digaysay weeraro kale oo lala beegsan karo goobo muhiim ah maalinkii Axada ayaa laga hortagay isku –day qarax ismiidaamin ah oo lagu fulin lahaa baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Tallaabooyinkaan ayaa waxay ku soo aadayaan iyadoo shalay saraakiisha Pentagon-ku ay sheegeen in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Mareykanka lagu dilay qof ismiidaamiye ah oo ka tirsan kooxda Daacish kaasoo isku diyaarinayay inuu weeraro garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul.
Kooxda Taalibaan ayaa dhankeeda sheegtay inay 7 qof ku dhinteen qaraxaas halka taliska dhexe ee ciidamada Mareykankuna xuseen inay baarayaan wararka sheegaya in dad rayid ah la dilay .