UNHCR oo ka digaysa xaaladda biniaadanimo ee Afghanistan

0
557

Ayadoo lagu wado in maalmaha soo socda ay soo afjaranto daad guraynta ka socota dalka Afghanistan ayaa waxay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ay hadda sheegaysaa in malaayiin qof oo reer Afghanistan ah ay wajahayaan xaalado biniaadanimo oo aad u daran.
Isniinta maanta ah ayay UNHCR sheegtay in 39 milyan oo qof oo reer Afghanistan ah ay gurmad u baahan yihiin waxayna hay’addu codsatay taageero dheeraad ah.
Jimcadii hore UNHCR waxay shaacisay in ilaa 500,000 oo reer Afghanistan ah ay dalkooda isaga carari karaan dhammaadka sannadkaan.
Filippo Grandi, oo ah Wakiilka Sare ee hay’adda ayaa ku celceliyay baaqa ah in xudduudadu ay noqdaan kuwo furan oo dalal badan ay la wadaagaan mas’uuliyaddaan bani’aadamnimo wadamada Iran iyo Pakistan oo horey u martigeliyay 2.2 milyan oo reer Afghanistan ah.
Waxaa uu Grandi ugu danbeyntii ku baaqay in meel looga soo wada jeesto waxa uu ugu yeeray dhibaato aad u weyn oo biniaadanimo taasoo ka billaabanaysa wadanka Afghanistan ee bartamihii bishaan gacanta u gashay kooxda Taalibaan ee 20-ka sano ay ciidamada shisheeye dagaalka kula jireen.