Wasiirka wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa hakiyey go’aan ay cabasho xooggan ka muujiyeen abwaanada iyo hogolada Soomaaliyeed.
Go’aankaan ayaa la xiriiray ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka qaranka waxaana cabasho ka keeneen Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed iyo Hobolada qaranka ee Waaberi.
Wasiir Dubbe ayaa waxaa la sheegay in isagoo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku hakiyay go’aankii dib loogu howlgelin lahaa maqaaxida Tiyaatarka qaranka.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa u qornaa Anigoo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda.
Maanta ayaa waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Gudaha tiyaatarka banaanbax ka dhigay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed iyo Hobolada Waaberi, iyagoo sheegay in la iibsaday qeyb kamid ah tiyaatarka taasina aysan aqbaleyn.
Abwaanada ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqay inay arintaan wax laga qabto waxayna eedaymo u jeediyeen wasiirka warfaafinta Soomaaliya.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo hakiyay go’aan cabasho laga keenay