Sacuudiga oo sheegay inay ka hortageen gantaallo ay Xuutiyiintu soo tureen

0
414

Isbaheysiga dowladaha Carabta ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa maanta sheegay inay ka hortageen oo burburiyeen gantaal ay maleeshiyadka Xuutiyiintu ku soo rideen dhanka koonfurta magaalo xeebeedda Jazan ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Xulafadu waxay ammaaneen waxa ay ugu yeereen hufnaanta nidaamka difaaca cirka Sacuudiga oo ka hortagay falka ay ku tilmaameen isku dayga taxaddar la’aanta ah ee ay maleyshiyaadka Xuutiyiintu ku doonayeen inay ku bartilmaameedsadaan shacabka iyo dowladda Boqortooyada Sacuudiga.
Sidoo kale waxaa warkaan lagu sheegay in Axaddii, hannaanka difaaca cirka ee Sucuudiga ka hortagay oo burburiyay saddex diyaaradood oo Xuutiyiintu ku bartilmaameedsanayeen magaalada Khamis Mushayt ee koonfurta Sacuudiga.