Xafiiska diiwaangelinta dhulalka oo laga furay Samburu

0
302

Waxaa ismaamulka Samburu laga hirgeliyay xafiis lagu diiwaangelin doono dhulalka.
Dadweynaha dowlad deegaankaasi ayaa horay aadi jiray magaalada Nyahururu si ay adeegyadan u helaan.
Xoghayaha sare ee maamulka wasaaradda dhulalka ee dalka Alex Mwiru ayaa sheegay in xafiiska laga furay magaalada Maralal.
Waxaa uu intaasi ku daray in la howlgeliyay shaqaale u adeegi doono dadka deegaanka.
Barasaab ku xigeenka Samburu Julius Leseeto ayaa xusay in xafiiska la hirgeliyay uu xallin doono cabashooyin taariikhi ah oo ay qabaan dadweynaha.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la filayo in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu socdaal ku tago Samburu bisha sagalaad ee sanadkan.