Mashruuc lagu taageerayay garsoorka oo gabagabo ah

0
437

Madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa sheegtay in dhaqangelinta mashruuc ku kacaya 12 bilyan oo shilin ay ku egtahay dhammaadka bisha tobnaad ee sanadkan.
Waxaa barnaamijkan oo loogu talagalay wanaajinta waxqabadka waaxda garsoorka ee wadanka maalgelinayay bangiga adduunka tan iyo sanadkii 2014-kii.
Mrs. Koome ayaa sheegtay in mashruucan uu kaalin wayn ka qaatay fududeynta helidda adeegyada cadaaladda.
Waxyaabaha deeqdan lagu qabtay waxaa ka mid ah in 13 maxkamadood laga dhisay Kitui, Chuka, Vihiga, Nyamira, Nanyuki, Isiolo, Kakamega, Nakuru, Kajiado, Siaya, Kapenguria, Maralal iyo Makueni.
Martha Koome ayaa arrimahan ka hadashay xilli ay kulan la qaadatay agaasimaha bangiga adduunka ku matalo Kenya Keith Hansen.
Dhanka kale shirkadda Google ayaa sheegtay inay lacag dhan 1 milyan oo doolar una dhiganta 100 milyan oo shilin ku qarash gelin doonto sidii sare loogu qaadi lahaa isku xirka adeegyada garsoorka ee gudaha wadanka.
Agaasimaha shirkadda Google ee bariga Afrika Agnes Gathaiya ayaa sheegtay in barnaamijkan la dhaqangelinayo iyadoo la kaashanaya wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda.