DHAGEYSO:Qandaraasleyda Wajeer oo dalbanaya lacago ka maqan

0
413

Qandaraasleyda ismaamulka Wajeer ayaa maamulka Axmad Cali Mukhtaar ka dalbaday inay ku dadaasho sidii ay ku heli lahayeen lacago ka maqan tan iyo sanadkii 2018-kii.
Shir ay qabteen ayay ka sheegeen inay qabaan walaac ah in xita hadii guddoomiye kale la soo doorto uunan siin doonin dhaqaalahan.
Waxay tilmaameen inay maamulkii hore ee Wajeer u fidiyeen adeegyo kala duwan balse ilaa iyo hadda aan la siin lacagihii lagu heshiiyay.
Qandaraasleyda ayaa walaac ka muujinaya culeys ka haysto bixinta deymo ay ku yeesheen ganacsatada iibiya agabka dhismaha.