Maxkamadda sare ee dalka ayaa burisay amar ay dowladda dhexe ku mamnuucday isku imaatinka dadweynaha iyadoo xakameynaysa faafidda cudurka COVID19.
Garsoore Anthony Mirima ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay sharci darro maadaama aynan waafaqsanayn xeerarka wadanka.
Go’aanka maxkamadda ayaa abaanduulaha ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai ama sarkaal kasta oo ka mid ah laamaha ammaanka ka hor istaagaya dhaqangelinta amarkan.
Xaakinka ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu go’aaminayay dacwad uu maxkamadda geeyay ururka qareenada dalka ee LSK.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu shalay madaxweyne Uhuru Kenyatta muddo 60 cisho ah ku kordhiyay muddada ay mamnuuc tahay in la qabto isku soo bax dadweyne.
LSK ayaa xeer ilaaliyaha qaranka iyo taliyaha guud ee booliska ku eedeyay in iyagoo awoodooda adeegsanaya ay xannibeen xurriyadda la xiriirta muujinta dareenka shacabka maadaama aynan si siman u dhaqangelin amarkan marka la qabanayo kulamada siyaasadeed.