Wararka ka imaanaya deegaanda Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxay sheegayaan in Rag hubeysan oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ay xalay weerar ku qaadeen degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari, oo dhawaan isaga baxeen Ciidamada amaanka Maamulka Puntland.
Dad Goobjoogayaal ayaa waxaay sheegeen in ragga ka tirsan Kooxda Daacish ay weerarkaas ku ku dileen Guddoomiyihii degmadaas Balli-dhini oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Axmed Muumin, oo Xiliga uu weerarku dhacayay degmada ku sugnaa.
Qaar kamid ah Dadka ku nool degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen inay Kooxda Daacish galeen Gudaha degmada, hayeeshee markii dambe ay isaga baxeen.
Wararka ayaa waxaay intaa ku darayaan in dagaal kooban uu gudaha degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari ku dhexmaray Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha la dilay iyo Kooxdii magaalada soo weerartay.
Hay’adaha Amniga Maamul Goboleedka Puntland ayaan weli ka hadlin weerarkaas iyo dilka Guddoomiyaha degmada Balli-dhidin balse waxaa la filayaa in Puntland ay Ciidamo u dirto degmadaas si loo xaqiijiyo Amniga aagaasi.