Mid ka mid ah dadka doonaya in ay sanadka 2022-ka u tartamaan xilka wakiilka deegaanka hoose ee ismaamullada ee loo yaqaano MCA ayaa ka soo horjeestay in shakhsiyaadkan laga dalbado inay sitaan shahaadada heerka Degree.
Alex Munyonga oo ka mid ah musharraxiinta jagadan ee ismaamullka Mombasa ayaa carrabka ku adkeeyay in xeerkaasi oo uu soo saaray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uu caqabad noqon karo.
Waxaa uu ku doodayaa in waxqabadka qofka mas’uulka ah uunan ku xirnayn aqoontiisa balse kartidiisa iyo garashada mas’uuliyadda saaran
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Musharrax ka soo horjeestay in wakiillada deegaanada hoose lagu xiro shahaadada Degree