Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Eugene Wamalwa ayaa sheegay in loo baahan yahay dhaqaale dhan 9.4 bilyan oo shilin si loola tacaalo macluusha jirta.
Mr. Wamalwa ayaa laga soo xigtay in kala bar miisaaniyaddan loo adeegsan doono ka falcelinta abaarta halka kala bar lagu qarash gelin doono barnaamijyada la xiriira u adkeysiga culeyska ka dhasho dhibaatadan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in 12 ka mid ah ismaamullada wadanka ay ka jirto baahi daran ka dib saameyn xooggan oo ka soo gaartay abaarta.
Dowladda ayaa shaacisay in ismaamulladan ay inta badan ku yaallaan waqooyiga Kenya oo ay degaan xoolo dhaqatada.
2 milyan oo qof ayaa wajahaya xaalad macluul ah ka dib markii abaarta ay uga dhinteen xoolahooda oo ay inta badan ku tiirsanayeen.
Wasaaradda dowlad wadaajinta ayaa xaaladda taagan u aaneysay roobabkii oo yaraaday , saameynta cudurka COVID-19, Ayaxii ku degay qaybo ka mid ah dalka , cudurrada xoolaha iyo sare u kac ku yimid qiimaha cuntooyinka daruuriga ah.