Khilaaf ka dhashay habraacii la shaaciyay ee doorashooyinka Soomaaliya

0
553

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda doorashooyinka heer Federaal ee FEIT Cabdi Xiis Udaan ayaa Warqad Qoraal ah u diray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya ka jira .
Mr. Cabdi Xiis ayaa Madaxda ku wargeliyay in habraacyadii doorashada Golaha Shacabka ee shalay warbaahinta lala wadaagay in aan loo marin waddadii ku habooneyd, islamarkaana aysan jirin wax uu ka og yahay.
Waxaa u Qoraalka uu u diray Madaxda Golaha Wadatshiga Qaranka Soomaaliya ugu caddeeyay inuu beri ka yahay wax kasta oo caqabado ah ee ka dhasha habraacyadii doorashada Golaha Shacabka ee la shaaciyay.
Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa xalay kasoo horjeestay habraacyadii doorashada Golaha Shacabka ee shalay soo saareen Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Cirro.
Xubanahaas ayaa waxaa ay sheegeen in qeyb yar oo kamid ah Guddiga doorashooyinka ay soo saareen habraacyadii warbaahinta lala wadaagay, iyagoona ku eedeeyay inay doonayaan carqaladeynta qabsoomida doorashada dalka.
Hoos ka akhriso qoraalka guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee FEIT