DHAGEYSO:Wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada oo safar ku tagi doonto dalalka bariga dhexe

0
541

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Simon Chelugui ayaa sheegay inay safar ku tagi doonaan dalalka bariga dhexe si loo xaqiijiyo dhibaatooyinka ay sheegaan in lagula kaco muwaadiniinta wadamadaasi u shaqo tagay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sidoo kale tababar loo sameyn doono dadka bariga dhexe shaqooyinka ka raadsanaya iyo shirkadaha ama shakhsiyaadka qaado ka hor inta aynan Kenya ka ambabixin.
Chelugui ayaa xusay in qaar ka mid ah kenyaanka bariga dhexe u raadsado shaqooyinka ay safraan iyagoo aan fahansaneyn xeerarka iyo dhaqamada bulshooyinka halkaasi ku nool taasoo sababto khilaaf.
Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in tallaabo sharciyeed laga qaadaya shirkadaha ama muqalisiinta intii ay dadka shaqo doonka ah lacago ka qaataan aan u fulin ballanqaadyadii ay u sameyeen.

Tani ayaa timid ka dib markii saraakiisha wasaaradda shaqaalaha ay hor tageen guddiga baarlamaanka u qaabilsan ilaalinta xuquuqda shaqaalaha .