Madaxa xisbiga ODM, Raila Odinga ayaa hal maalin un ka dib markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC uu xaqiijiyay ilaa 1.14 milyan oo saxiixyo ah , guda galay inuu sii wado ololaha uu kenyaanka uga dhaadhicinayo in ay taageeraan qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Raila Odinga ayaa xilli uu dhawaan ku sugnaa xaafadda Githurai ee ismaamulka Nairobi ka hadlay qaar ka mid ah faa’iidooyinka dhallinyarada iyo haweenka ay ka dhaxlayaan BBI hadii hannaankan lagu guulaysto