Guddi ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo Kenya uga yimid dowladda Soomaaliya oo ku aaddan in ay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha.
Guddigan xaqiiqa raadiska ah ayaa sheegay in eedeymaha ay yihiin kuwo aan xaqiiqda ku saleysnayn.
Wargeyska maxalliga ee Daily Nation ee ka soo baxo gudaha Kenya ayaa ku warramaya in warbixinta labada dowladood ee dariska ah lala wadaagay ay tilmaamayso in Kenya aynan ku xadgudbin madax bannaanida Soomaaliya maadaama aan caddeymo wax ku ool ah loo helin in ay garab siinayso ciidamada ka amar qaata wasiirka amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan.
Sidoo kale waxaa uu guddigan soo jeediyay in mustaqbalka la yeesho wada-hadalo dibloomaasiyeed oo dheeraad ah si loo xalliyo khilaafka labada dhinac u dhexeya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda maanta ka hadashay warbixinta IGAD oo ay ku tilmaantay mid filan waa’ ah.