Myanmar oo laga billaabay tallaal ka dhan ah COVID-19

0
689

Dowladda dalka Myanmar ayaa billowday tallaal lagula tacaalaya cudurka COVID-19 iyadoo mudnaanta koowaad la siinaya saraakiisha caafimaadka iyo dadka si iskood ah uga shaqeeya daryeelka bulshada.
Tallaalkan oo ah nooca loo yaqaano AstraZeneca ayaa waxaa Myanmar ku wareejisay India.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda gudaha wadankaas laga diiwaangeliyay xaaladaha caabuqa corona oo dhan 138,000 iyo dhimasho ah 3,082 .
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda Myanmar ay la soo wareegtay 1.5 milyan oo ah tallaalkan oo uu soo saaray machadka Serum ee India.