Hoggaamiyeyaasha laga soo doortay ismaamulka Makueni ayaa doonaya in dib loo dhigo shirka sanadlaha ah ee dowlad wadaajinta oo la qorsheeyay inuu qabsomo inta u dhexeysa 23-ka ilaa 26-ka bishaan.
Waxaa ay arrinkan u sababeeyeen kororka cudurka COVID19.
Shrika ayuu qorshuhu yahay inuu ka dhaco dugsiga sare ee wiilasha ee Makueni.
Senetarka ismaamulka Makueni Mutula Kilonzo Junior ayaa muujiyay cabsi ay ka qabaan in shirka afarta maalmood soconaya uu saameyn ku yeesho cudurka Covid19.
Waxaa shirkaas ka qaybgeli doono in ka badan 3,000 wufuud oo ka kala imaanaya ismaamullada dalka.
Waxaa uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ka codsaday in dib loo dhigo shirkaas.
Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Makueni Daniel Maanzo ayaa isna muujiyay dareenkiisa isagoo ku baaqay in dib loo dhigo shirka ilaa wakhti kale.
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Makueni Kivutha Kibwana ayaa xusay in hoggaamiyaasha aysan wax talo ah ku laheyn qorsheynta shirka.
Waxaa uu xusay inuu jira guddi heer qaran ah oo gacanta ku haya arrimaha khuseeya shirka dowlad wadaajinta , islamarkaana haddii ay lagama maarmaan u arkaan in shirka dib loo dhigo, wax dhib ah kama qabo ayuu yiri Kivutha Kibwana .