Shacabka dalka Zambia ayaa berri ka qayb qaadanaya doorashada madaxtinimo ee wadankaasi si ay mar kale u soo doortaan madaxweyne Edgar Lungu ama ay ugu beddelaan hoggaamiye kale.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu jiray hoos u dhac dhanka dhaqaalaha ah tobaneeyo sano .
Sidoo kale waxaa walaac laga muujinayay qaabka ay dowladda dalkaasi uga falceliso aragtida siyaasadeed ee lagu mucaarado.
Waxaa Edgar la tartamaya Hakainde Hichilema oo 59 sano jir ah oo markii lixaad raadinaya hoggaanka ugu sarreeya Zambia.
Darasaad dhowr ah oo la sameeyay ayaa tilmaamaya in culeyska dhaqaale awgii ay hoos u dhacday taageeradii shacabka ay u hayeen madaxweynaha hadda wadankaasi hoggaamiyo.
Kala bar tirada dadweynaha Zambia oo ah 17 milyan ayaa ku jira nolol saboolnimo.