Guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha sharciga iyo cadaaladda ayaa xubnaha bulshada ugu baaqay inay soo gudbiyaan warbixinnada ay hayaan ee ku saabsan 4 qof oo ka mid noqonaya guddiga doorashooyinka ee IEBC.
Guddoomiyaha guddigan ahna xildhibaanka deegaanka Kigumo Muturi Kigano ayaa sheegay in warbixinnada la soo gudbin karo ka hor 20-ka bishan sideedaad.
Waxaa lagu wareejinayaa karaaniga baarlamaanka qaranka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in guddigan uu ansaxiyo dhammaan magacyada afarta sarkaal ama uu meesha ka saaro taariikhdu marka ay ku beegan tahay 24-ka bishan sideedaad.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu 5-tii bishan guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi ku wareejiyay magacyada Juliana Cherera, Francis Wanderi, Irene Masit iyo Justus Nyang’aya oo ku soo baxay turxaan bixin la sameeyay.
Hadii shakhsiyaadkan magacyadoodu la ansaxiyo waxay ka mid noqonayaan saraakiisha sar sare ee guddiga IEBC iyagoo buuxin doono xilalkii ay iska casileen Roselyn Akombe, Margaret Mwachanya, Paul Kurgat iyo Consolata Maina .
Waxay ku biirayaan guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati iyo saraakiisha sare ee kala ah Boya Molu iyo Cabdi Guuliye.