Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa si kulul u cambaareeyay xukun ka soo baxay maxkamad ku taalla Shiinaha.
Maxkamadda ayaa muwaadin u dhashay Canada ku xukuntay 11 sano oo xabsi ah.
Xukunka ayaa yimid ka dib markii Michael Spavor oo ganacsade ah lagu helay inuu basaas sameeyay.
Mr. Justin ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda uu yahay mid aan la oggolaan karin isagoo dalbaday in ganacsadaha sida ugu dhakhsiyaha badan loo siidaayo.