Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC su’aalo laga weydiiyo qaabka uu u isticmaali doono miisaaniyad dhan 40.9 bilyan oo uu codsaday.
Dhawaan ayay ahayd markii guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu sheegay inay u baahan yihiin 40 bilyan si doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay ugu maareeyaan qaabka habboon.
Hasa ahaate hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Amos Kimunya ayaa sheegaya in miisaaniyaddan ay tahay mid la badiyay oo aan loo baahneyn.
Xildhibaanka deegaanka Kiminini Chris Wamalwa ayaa isna xusay in IEBC looga fadhiyo inay caddeyso sababta ay dhaqaalahan badan u dalbatay.
Mudanaha Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa dhankiisa taageeray IEBC waxaa uuna xusay in xaqiijinta dimuqraadiyadda aynan ahayn arrin fudud.